{"id":336,"date":"2019-05-21T10:04:55","date_gmt":"2019-05-21T07:04:55","guid":{"rendered":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/?page_id=336"},"modified":"2022-06-17T10:48:22","modified_gmt":"2022-06-17T07:48:22","slug":"tyypin-1-diabeteksesta-somaliksi","status":"publish","type":"page","link":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/tyypin-1-diabeteksesta-somaliksi\/","title":{"rendered":"Tyypin 1 diabeteksesta somaliksi"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>Nooca 1aad ee sonkorowga<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p><strong>(Type 1<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>diabetes)<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p><strong>Waxyaalo ku saabsan sonkorowga<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Xannuunka sonkorowgu waa xannuunkeenna ugu badan ee nafaqo\u2010gediska. Nooca 1aad ee sonkorowgu waa cudur aan tegin oo ay sababto iyadoo la waayo dheecaanada (hormoonada) insulin. Waxan naqaan tilmaamaha xannuunkan in ka badan 2000 oo sanno.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidaa ay tahay xannuunka sonkorowgu siyaalo kala gedisan weli waa xannuun sirtiisu\u2010daahan tahay. Sababaha uu sonkorowgu u unkamaa waa kulanka sababaha hidde\u2010sideyaasha iyo deegaanka, se waxa ka danbeeya hab\u2010dhaca cudurka laftiisa waa mid aan caddayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Nooca 1aad ee sonkorowgu wuxu ku dhacaa da\u2019 kasta, se inta badan carruurta, dhallinyarada iyo dhallinyarada waaweyn ayuu caadi ahaan ku dhacaa. Xannuunkan waxa sababa soo saarayaasha insulin\u2010ta <em>(betacellene) <\/em>ee ku jira qanjidhka\u2010ganaca ayaa xumaada. Sababo aynaan aqoon difaaca jidhku (qalabka\u2010difaaca) wuxu u qaadanaya unugyada betacellene\u2010ha sidii ay yihiin walxo\u2010qalaad oo way baabi\u2019iyaan iyaga.<\/p>\n\n\n\n<p>Dadka leh nooca 1aad ee sonkorowgu waa in ay u qaataan insulinta iraab ahaan (irbad\/durid). Insulin\u2010ta ayaa ku baaba\u2019aysa dheecaanka\u2010dheefshiidka ee mindhicirkacaloosha oo markaa looma qaadan karo kiniin ahaan.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Astaamaha<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Ka duwanaansha nooca 2aad ee sonkorowga, taasoo astaamuhu inta badan firidhsan yihiin oo ay u unkamaan waqti dheer, waxay u yimaadaan astaamaha nooca 1aad si degdeg ah oo caddaan ah. Nooca\u2010cudurkan si degdeg ah ayaa loo gartaa. Marka sonkorta\u2010dhiiggu ay kor u kacdo, macaan ayaa soo raacaya kaadida. Tani waxay keenaysaa inay korodho xaddiga kaadida iyo kaadida oo si isdabajoog ah kuu qabata. Jidhku wuxu kaga jawaabayaa arrintaas harraad. Macaan\u2010soo\u2010raaca kaadidu wuxu keenayaa inay tamari\u2010lunto oo taasina ay keento qofka oo miisaankiisu hoos u dhaco. Caabuqa\u2010kaadi\u2010mareenka iyo cuncunka gumaarku wuxuu noqon kartaa astaamaha sonkorowga. Jidhku wuxu bilaabaa inuu gubo walxahaduxda iyo borotiinka si uu u helo tamar. Waxay keentaa gubudii\u2010duxdu shidaaldheeri ah <em>(ketoner)<\/em>, markay kuwaasi dhiigga gaadhaan, waxay isu bedeli karaan shidaal\u2010sumaysan oo waxyeelo keena <em>(ketoacidose) <\/em>iyo milan\u2010sumooba. Fayowga\u2010qafka ayaa si dhakhso ah hoos ugu dhaca, waad qalalaysaa, astaamuhuna waa matag, calaool xanuun, neef degdeg iyo naqas uraya aceton (khalka dareere la mida). Shilaadkaa sumeysani <em>(Ketoacidose) <\/em>wuxu keeni karaa miyirbeel <em>(koma)<\/em>, waana xaalad nafta khatar gelinaysa. Waxay ahayd waxa sida joogtada ah u sababa dhimashada intaan insulin\u2010ta la helin.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Halkeen ka helayaa gargaar<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Marka ay kugu dhacdo nooca 1aad ee sonkorowgu, waxa lagu dhigayaa cusbitaalka si laguu baro sidii aad insulin\u2010ta isu siin lahayd iyo qiyaasida macaanka\u2010dhiigga. Wixii intaa ka danbeeya waxaad u tegi cusbitaalka si si joogta ah laguugu kontoroolo. Warhaynta iyo wadashaqayn wanaagsan ee fastlege\u2010hu waxay noqon kartaa gargaar wanaagsan. Waxa intaa dheer in badan ayaa ka hesha taageero xigtada, saaxiibada iyo qoyska.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa muhiim ah inaad ogtahay inaad xaq u leedahay in lagu baro waxa ku saabsan xannuunka. Koorsada\u2010bilowgu waxay noqonaysaa 7 saacadood. Shaqaale\u2010caafimaad ayaa ka masuul ah kooraska, kooraskuna wuxu leeyahay mawduucyo ka hadlaaya warbixinta ku saabsan xannuunka, noocyada\u2010daawaynta, is\u2010daawaynta, xakamaynta (ka\u2010adkaanta), xuquuqda iyo la sii socodka (xaalada). Urrurka dadka sonkorowga <em>(Diabetesforbundet) <\/em>waxaad kula kulmi kartaa dad kale oo aad isku xaalad tihiin, waxaanay ku siin warbixin ku anfacda oo kuu fududaysa inaad u adkaysatid maalinlahaaga. Warbixin intaa dheer, eeg www.diabetes.no<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Cabiradaada<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>In la cabiro macaanka\u2010dhiiggu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daawaynta\u2010sonkorowga. Baahi iyo cabir noocee ah ayaa laga rabaa kontoroolka\u2010macaanka\u2010dhiigga, sidee baase loo isticmaalayaa jawaabta\u2010cabirka, waxay u kala duwan tahay qof qof, waana in dhakhtarka lala tashadaa. Macaanka\u2010dhiiggu qiyaasta ugu wanaagsan waa inuu joogaa qofka oo sooman inta u dhaxaysa 4\u20106 mmol\/l, waabana inuu ka hooseeyaa 10 mmol\/l labo saacadood cuntada ka dib.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Ku daaweynta<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>insulin<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>ta<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Insulin\u2010tu waa hormuun uu soo saaro qanjidhka\u2010ganacu, kana caawiya jidhka si uu u isticmaalo sonkorta\u2010dhiigga <em>(glukosen). <\/em>Waa \u201dfuraha\u201d fura \u201dalbaabka\u201d unnugyada si sonkorta\u2010dhiiggu u gasho unnungyada. Glukose waa shidaalka unnugyada. Waxa jira noocyo badan oo insulin ah oo suuqa yaal. Inta badani waa dhakhso\u2010ushaqeeyayaal (muddo 3\u20105 saacadood) iyo gaabis\u2010u\u2010shaqeeyayaal (muddo 12\u201016 saacadood ah) insulin.<\/p>\n\n\n\n<p>Daawaynta waa in qof walba kelidiisa loo qiimeeyaa oo loo qiyaasaa sida uu dhaqdhaqaaqiisu yahay iyo cuntada uu qaataba, gaar ahaan qaadashada karbohydrater\u2010ka (sida roodhida iwm). Inta badan dadka leh nooca 1aad ee sonkorowgu waxay isticmaalaan hal ilaa laba jeer oo dawo ah habeen iyo maalin insulin\u2010ta dhexe ee gaabis\u2010u\u2010shaqysada ah, iyadoo lagu daray mid dhakhso\u2010u\u2010shaqayso ah waqtiga cuntada. Sannadihii u danbeeyay waxa in badan oo leh nooca 1aad ee sonkorowgu u badasheen insulin\u2010xooggan oo waqtidheer\u2010 shaqaynaysa oo si siman waxtarkeedu u socdo, sidoo kale lagaga maarmo \u2212 hoos u dhaca dhiigga ee \u2212 kicitaanka habeenkii ee dareenka\u2010cabsida leh <em>(nattlige f\u00f8linger).<\/em> Si loo sugo si aad u wanaagsan iyo fuuqsi deggen oo insulin ee suurtogalka ah, waxa muhiim ah farsamo\u2010mudid (farsamada\u2010durid) oo wanaagsan.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Sidee xannuunka loo xakameeyaa<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Marka sonkorow kugu dhaco, wax badan oo cusub ayaad baranaysaa. Dhakhtarkaagu wuxu noqon karaa taageere wanaagsan, laakiin waqtiga intiisa badan xannuunka waa inaad kelidaa qaabishaa. Sidaa daraadeed waa muhiim inaad barato sida loo hubiyo sonkorowga. Sonkorowgu kaama horjoogsanayo inaad hesho nolol dheer oo wanaagsan. Masuuliyadda weyni adigay ku saaran tahay si aad taas u gaadhid, laakiin sidoo kale waa masuuliyadda adeegayaasha\u2010caafimaadka inay arrintaa kugu caawiyaan. Tababar iyo aqoon aad u yeelato xannuunkaaga waxay shardi u tahay inaad si wanaagsan isu xannaanayn karto<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Sababayaal badan ayaa saameeya macaanka<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>dhiiggaaga<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p><strong>\u2022 Cunto: <\/strong>Macaanka\u2010dhiigga waxa saameeya intee jeer, intee in le\u2019eg iyo waxaad cunayso.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>\u2022 Dhaqdhaqaaqa jidhka: <\/strong>Sida caadiga ah wuxu dejiyaa baahida insulin\u2010ta.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>\u2022 Xannuunka: <\/strong>Baahida insulin\u2010tu way kordhaysaa. Tani waxay khusaysaa marka xumadi jirto.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>\u2022 Halkee lagu mudayaa insulin\u2010ta: <\/strong>Insulin\u2010tu waxay dhakhso dhiigu ugu gudubtaa haddii caloosha la isaga mudo\/duro. Haddii aad gacanta ku mudid, si gaabis ah ayay u soconaysaa, bawdada ama badhidana waxay qaadanaysaa waqtiga ugu dheer inta ay wax ku tarayso.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>\u2022 Culays nafsiyan ah iyo isterees: <\/strong>Istereeska xagga nafsiga ahi wuxuu inta badan keenaa in sonkortii dhiiggu korodho. Intee in le\u2019eg iyo waqti intee ah oo ay sonkorta\u2010dhiiggu kordhayso, waxay ku kula duwan tahay xaaladaha.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>\u2022 Alkohoosha: <\/strong>Haddaad cabto alkohool, waxa si fudud kuugu dhici kara dareen\u2010baqdin ay keento hoos u dhaca dhiiggu, iyadoo isla mar ahaantaana ay adag tahay in la dareemo taas. Ha cabin alkohool caloosha oo ku madhan, qiyaas macaanka\u2010sonkorta oo wax cun ka hor intaanad jiifsan. Way fududahay in wax laga bedelo macaanka\u2010sonkorta haddii aad u nooshahay si\u2010joogto ah, sida dhinaca cuntada\u2010qorshaysan <em>(kosthold) <\/em>iyo tababar qaadashada.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Maxay tahay sonkorta<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>dhiigga hoosaysaa (hypoglykemi\/f\u00f8ling)?<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Haddii xaddiga\u2010macaanka\u2010dhiiggu uu yahay 4 mmol\/l, waxa loogu yeedhaa hypoglykemi. In hal macne keli ah lagu qeexo hypoglykemi way adag tahay. Inta badani waxay dareemi dhibsi iyo\/ama waxa ku dhici insulinf\u00f8ling (dareen\u2010cabsi insulin ah) marka macaanka\u2010dhiiggu yimaado qiyaasaha 2,5 \u2013 3,3 mmol\/l. Waxa jirta inay dadku ku kala duwanaadaan halka uu ka bilaabmo dareenka\u2010cabsidu.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddii aad tuhunto wax dareenka\u2010cabsida ah waxa muhiim ah inaad dhiigga\u2010cabirto. Sababuhu waxay noqon karaan insulin badan, dhaqdhaqaaq jidh oo badan oo aan caadi ahayn ama cunto yaraan. Dareenka\u2010baqdintu wuu isgedgediyaa xagga quwadda waxana inta badan lagala kulmaa inuu dhib yahay. Astaamuhu waxay noqon karaan dhidid, foognaanta oo kugu adkaata, gariir, dhiigroor, degenaan la\u2019aan, cadho, caajis,hadal aan sax ahayn iyo inaad gaajooto. <em>Diabetesforbundet <\/em>(Ururka sonkorowga) waxay iyaguna ka qoreen warqadxaqiiqo oo ku saabsan sonkorowga iyo sonkorta\u2010dhiigga ee hoosaysa.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Eesha<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>murugga<\/strong><strong>\u2010<\/strong><strong>xannuunka<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>Sonkorow aan si fiican loola socon isbedelkiisa, macnaheedu waa sonkorta\u2010dhiigga oo muddo dhawr sanno ah kor u kacsan, waxay keeni kartaa eel\u2010murgisa\u2010xannuunka. Dadka sonkorowga leh aad ayaa waxa ugu dhaca<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Kelyo\u2010xannuun<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Wadno\u2010xannuun iyo maskaxda oo dhiig ku furmo<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Nabaro sonkorow iyo dhaawac xididda\u2010dhiigga ee lugaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Dhaawac gaadha xididda yaryar ee dhiigga ee indhaha, taasoo keenta aragtida oo hoos u dhacda iyo indho\u2010la\u2019aan.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Neerfe\u2010xannuun keena hoos u dhaca dareenka lugaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Ragga oo kacsan waaya.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022 Xannuun\u2010ciridka ku dhaca iyo caabuq afka\u2010gudihiisa ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Kontorool joogta ah iyo daawayn waqti hore ahi waxay raajiyaan ama ka\u2010hor\u2010tagaan xannuunada\u2010daba\u2010socodka ah. Diabetesforbundet\u2010hu waxay sidoo kale ka qoreen warqadxaqiiqo oo ku saabsan eelaha\u2010murugga\u2010xannuunka\/xannuunada\u2010daba\u2010socodka ah. Warqad\u2010xaqiiqeedkan ka timi <em>Diabetesforbundet<\/em> (Ururka dadka\u2010sonkorta leh ee Noorway) waxa dib loo saxay feberweri 2011.<\/p>\n\n\n\n<p>Warqad\u2010xaqiiqeedka waxa la sameeyay iyadoo aanu wada\u2010shaqaynay<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nooca 1aad ee sonkorowga (Type 1\u2010diabetes) Waxyaalo ku saabsan sonkorowga Xannuunka sonkorowgu waa xannuunkeenna ugu badan ee nafaqo\u2010gediska. Nooca 1aad ee sonkorowgu waa cudur aan tegin oo ay sababto iyadoo la waayo dheecaanada (hormoonada) insulin. Waxan naqaan tilmaamaha xannuunkan in ka badan 2000 oo sanno. Sidaa ay tahay xannuunka sonkorowgu siyaalo kala gedisan weli waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":327,"parent":0,"menu_order":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","template":"","meta":{"footnotes":""},"categories":[39],"tags":[],"class_list":["post-336","page","type-page","status-publish","has-post-thumbnail","hentry","category-etninen-tausta"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/pages\/336","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/pages"}],"about":[{"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/types\/page"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=336"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/pages\/336\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":836,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/pages\/336\/revisions\/836"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/media\/327"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=336"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=336"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/hoitopolut.siunsote.fi\/t1d\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=336"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}